Al-shabaab oo la sheegay in laga saarayo Gobolka Sh-dhexe

Ciidamada xooga Dalka ee ku sugan Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay bilaabeen dhaqdhaqaaq Ciidan waxaana Saraakiisha Ciidamadaa hor kacaya oo nala hadlay ay sheegeen in gaari doonaan Deegaano dhowr ah oo ay Al-shabaab gacanta ku hayaan.

Ciidamadaan ayaa waayihii dambe guluf dagaal ka waday Degmooyin iyo Deegaano ka tirsan Gobolka mana jirto ilaa iyo hada natiijooyin wax ku ool ah oo ka geereen howlgadii ay wadeen Mudooyinkii la soo dhaafay.

Gobolka Shabeellaha Dhexe Degmooyin badan oo ka tirsan Goblkaa waxaa Gacanta ku haya Dagaalamayaasha Al-shabaab ku waa oo dhibaatooyin kala duwan u geysta Shacabka ku sugan Deegaanada ay Maamulayaan.