Baarlamaanka KGS oo ku dhawaaqay Guddi Doorasho + Magacyada

Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulankii ugu horreeyay ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Xildhibaanada ayaa kulankooda ku ansixyay Guddi ka kooban 15-xubnood oo ka tirsan Xildhibaanada, kuwaasi oo soo diyaarin doona Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo ku xigeenadiisa.

Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Koonfur Gabeed ayaa maalmo kahor la dhaariyay, waxaana horyaalla shaqooyin badan oo laga doonayo inay qabtaan oo ay ugu horreeyso Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.