Ciidamada Dowlada oo is hor istaag ku sameeyay odayaal u socday Sheekh Shaakir ku waa oo Guriceel ka soo baxay

Waxaa lagu soo waramayaa in Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaalia ay joojiyeen Wefdi ku wajahnaa Magaalada Dhuusa-mareeb waxaan Wafdigaa uu ka koobnaa odayaal Dhaqameed doonayay in ay la kulmaan Sheekh Shaakir Cali Xasan.

Ciidamaan ayaa waxaa ay ka soo bexeen Degmada Guraceel ee Gobolka Galguduud waxaana la sheegayaa in odayaashaa ay sheekh shaakir kala hadlilahaayeen sidii loo soo afjarilahaa Khilaafka ragaadiyay Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Ilaa iyo hada majiro wax wara ah oo ka soo baxay Maamulka Ahlusunna iyo Ciidamadaa Saraakiisha Horkeceysa oo ku aadan odayaashii maanta la joojiyay iyo sababha loo jojiyay.