DEG DEG:-Beel diiday in Galmudug Wasiiro laga siiyo Ahlusunna

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka beesha Cayr ay qorsheynayaan in ay kulan la qaataan Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Kulanka ayaa la filayaa in diirada lagu saaro g’aan ay beesha Cayr ka qaadatay Hogaaanka Ahlusuna, kaasi oo ku aadan in xubno laga siiyo golaha wasiirada ee maamulka

Odayaasha ayaa sheegay in hadii uu madaxweyne Qoor qoor uu wasiiro siiyo Ahlusuna, wixii ka dhaca magaalada Dhuusamareeb ay qaadi doonaan Madaxda Galmudug.

Talaabadan ayaa u muuqata cadaadis xoogan oo ay beesha saarayso Ahlusuna, maadaama madaxda Ahlusuna ay ka soo jeedaan Beesha Cayr.