Dowladda Federaalka oo isu diyaarinayso in ay u guurto Cadaado.

Dowladda Federaalka oo isu diyaarinayso in ay u guurto magaalada Cadaado kadib markii ay beelaha Galmudug soo jeediyeen in inta xal waaraa laga gaarayo ismaandhaafyada siyaasaddeed ee ka jira Dhuusamareeb inn laga guuro magaaladaas.

Codsigan ayaa ah in magaalo madaxda kumeel gaar ah ee Galmudug aysii noqoto Cadaado islamarkaana ay kusii shaqeeyaan shaqaalaha dowladda Galmudug iyo wakiilada kasocda beelaha, odayaasha dhaqanka beelaha kale ee Galmudug deggan ayaa qabo in magaalada Cadaado ay tahay xarun ku haboon in dowladda Galmudug ay kusii shaqeeyso islamarkaana ay tahay magaalo qibrad u leedahay isdhexgalka bulshada iyo wada noolaanshaha dadka aragtidooda siyaasadda kala duwan tahay ay wada joogi karaan.

Odayaasha ayaa aaminsan in ay u muuqato magaalada Dhuusamareeb ay kusii siqayso muran siyaasadeed horseeda gacal kahadal beeleed saameeya deegaannada dhan, waxaana wakiilada baarlamaanka Galmudug iyo shaqaalahaba ay kawalwalsan yihiin qaabka ay uga howlgalayaan iyo sii joogitaanka Dhuusamareeb cawaaqibta kadhalan karta marka ay soo bandhigaan aragtidooda siyaasaddeed ee kaduwan Ahlu Sunna

Dowladda Federaalka ayaa looga fadhiyaa in ay salka u dhigto dowladda gobolleedka Galmudug xarun ay ku kalsoon yihiin beelaha Galmudug deggan iyo wakiilada baarlamaankaba islamarkaana aynaan ka jirin muran iyo isqabqabsi siyaasadeed laguna shaqayn karo.