Faahfaahin Xaalada Gobolka Gedo iyo Sababta ka dambeysa Khilaafka Cusub ee Muqdisho iyo Nairobi

Mudo bilo laga joogo waxay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru ay kala saxiixdeen heshiis lagu dhamaynayay Khilaafkii labada dhinac.

Hada waxaa soo cusboonaadey khilaaf hor leh maanta oo khamiis ah 6/2,2020 ka ah waxay Dowlada Federaalka Soomaaliya ay shaaciyeen iyagoo waliba waraaq ugu diray Kenya in Kenya ay faragalin ku heyso Arimaha Soomaaliya.
Howlwadeenada Warbaahinta mareeg.online ayaa wakhti galiyey bal inaan Shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa Kenyaba ka baahi bixino waxa uu salka ku hayo Khilaafkaan Cusub.

Khilaafku wuxuu kasoo bilowday Jamcadii ay bisha Janaayo ahayd 31, kadib markii uu Nairobi gaaray Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirshiid Janan oo kasoo goostay Muqdisho, Sabtidii oo ahayd 1 Bishaan Feberaayo waxay Dowlada Soomaaliya ay warqad u gudbiyeen Safaarada Kenya ay ku leedahay Muqdidho, Warqadaas Waxay DF ku dalbanayeen in Kenya ay Xirto Wasiir Janan kadibna ay usoo gacan galiyaan Muqdisho, Warar aan la shaacin laakiin ay heleen mareeg.online subixii Axada 2 feberaayo waxay Kenya ogoysiiyeen Villa Soomaaliya in Wasiir Janan Aysan Kenya Xiraynin uuna yahay mid kamida Saraakiisha Jubbaland ee ay sida hoose ugawada shaqeeyaan ladagaalanka Argagixisada.

Maalmahaas ay Kenya iyo Dowlada Federaalku ay isdhaafsanayeen macluumaadka Wasiir Janan waxay Dowlada Federaalku ku feerwaday Ciidan ay Dowlada Federaalku Diyaaradu u saaraysaa Gobolka Gedo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Wasiir Janan oo ku sugnaa Nairobi waxay dareensanaayeen ujeedka loo keenay Ciidamada Gobolka Gedo kasoo ay aamin sanaayeen in lawada howlgal ka dhan ah Jubbaland,waxaa Sargaal Reer Jubbaland ah laga hayaa inuu yiri.. Ciidanka looma keenin Gobolka iney la dagaalamaan Argagixisada faraha kulul ku heysa labada Dal ee waxay la dagaalamayaan Ciidamadii loo Aasaasay ladagaalanka Argagixisada oo ay waliba Kenya galisay kharash iyo Agab Ciidan si loo sugo Amaanka labada Shacab.

Wasiir Janan markuu Ka degay Baledxaawo waxaa halkaas ku sugayay Ciidankiisii oo qalabaysan balse waxaa saacado ka dib Magaalada soo gaaray Ciidamadii Muqdisho ka yimid, labada Ciidan waxay ku sigteen iney faraha isasaaraan oo ay ku dhex dagaalamaan Magaalada maalinimadii Talaadada ee 3/2,2029, Shacab badan ayaa durba ku sigtay inay ka qaxaan Magaalada balse Odoyaasha Deegaanka ayaa Wasiir Janan waxay ka codsadeen inuu Ciidankiisa uu ka saaro Magaalada tasaana Keentay in Wasiir Janan iyo Ciidankiisii ay u talaabaan dhanka Kenya halkaasoo ay ilaa hada ku sugan yihiin,

Macada in safarkii uu Wasiir Janan ku tagay Baledxaawo ay Kenya ku lug lahayd laakiin Imaatinkiisa Baledxaawo iyo Ciidanka uu hada la galay dhanka Kenya iyo Kenya oo diiday iney soo xirto Wasiirka ayaa sabab u ahaa in Villa Soomaaliya ay eedeyso Kenya.

Kenya qudheedu waxay hada ku eedeynaysaa Villa Soomaaliya inay Khatar ku tahay Amaanka Kenya, ayna hada Kenya kala saari karin Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maleeshiyaadka Al- Shabaab.

Ciidamada la keeney Gobolka Gedo waxay u badan yihiin Ciidamo laga keeney Gobolada Dhexe oo horay uga tirsanaa Ehlu Suna kuwasoo ay Dowlada Federaalku ay Qarameeyeen, Shacabka Ku nool Baledxaawo waxay sheegeen in Ciidamadii shalay Magaalada soo galay ay ahaayeen Culumada suufiyada oo tuute xiran.

Dublamaasiyiin iyo Siyaasiyiin Soomaaliya oo kukala sugan Muqdisho iyo Nairobi oo aan Arimahaan wax ka waydiiney waxay walwal xoogan ka muujiyeen in Colaad laga huriyo Gobolk Gedo ayna Dowlada Federaalka qudhoodu ku jiraan Jaha Warrer khatar ku ah Amaanka Gobolka iyo kan Kenya.