DAAWO VIDEO:Gen. Tuuryare “Qoorqoor waxaa looga baahan yahay in uu dib u saxo Galmudug”

Taliyihii hore ee hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Gen. Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare ayaa ka hadlay Arrimo kala duwan oo ku aadan Maamulka Galmudug.

Gen. Tuuryare oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor looga baahan yahay inuu dib u saxo Galmudug.

Waxaa uu C/raxmaan Tuuryare bogaadiyay dadaalada uu wado Madaxeeyne Qoorqoor oo ku aadan xalinta cabashooyinkii ka dhashay hanaanka Doorashadii ka dhacay Dhuusamareeb.

Sidoo kale Tuuryare ayaa waxaa uu sheegay in Qoorqoor laga doonayo inuu dib u heshiisiin dhab ah uu u sameeyo Galmudug, isla markaana uusan ka ekaan xariirin qaraabo.

Ugu dambeyn Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa shaaciyay inuu wax Khilaaf ah uusan kala dhexeeyn Madaxeeyne Qoorqoor, isla markaana uu ku amaanayo dadaalada uu wado.

Hoos ka Daawo Muuqaal xasaasi ah.