Kooxo hubaysan oo Muqdisho ku dilay Sargaal ka tirsanaa Ciidanka Xooga dalka

Waxaa warar kala duwan ay ka soo baxayaan Dablay hubaysan Oo Sargaal ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaalia ku dishay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadjr.
Sargaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabI jiray Gaashaanle sare Maxamed Cabdulle cali oo ka Tirsanaa Ciidanka malatariga Guutada 6-aad waxana la sheegay in uu deganaa xaafadaasi.

Kooxda Dilka fulisay ayaa waxa ay ka koobnaayeen labo dhalinro ah wxaana Dilka ka dib u suurta gashay in goobta isaga cararaan.

Dilka kadib Waxaa Xaafada Haantadheer oo ah halka uu Dilku ka dhacay soo gaaray Ciidamo ka tirsan Dowlada ku oo meesha ka qaaday Maydka marxuumka ladilay.