Madaxweynaha Galmudug oo fariin u diray Guddiga Caleemo-saarkiisa

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa kulan is xog wareysi ah la qaatay xubno ka mida ah Guddiga Qaban qaabada Caleema-saarka Madaxda Galmudug.

labada dhinac ayaa waxaa ay kulankooda uga wada hadleen sidii loogu diyaar garoobi lahaa munaasabadda caleema-saarka oo ku beegneyd 26-ka Bishaan balse sababo la xiriira Cudurka Coronavirus dib loogu dhigey.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariya ayaa kula dardaraarmey xubnaha guddiga inay ka Shaqeeyaan habka ugu wanaagsan oo ku dhici karto Munaasabadda Caleemo-saarka Madaxda sare ee Galmudug.

Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Caleema-saarka Madaxda Galmudug Siyaasiga yuusuf Garaad Cumar ayaa socdaal waxaa uu ku marayaa deegaano ka tirsan Galmudug,waxaana uu habeen ka hor Gaalkacyo uu kula kulmey Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.