Muxuu Seeraar ka yiri Dagaalkii Ciidamadiisu Shalay Kismaayo ku galeen

Cabdinaasir Seeraar Maax Afhayeenkii  Maamulka Jubbaland sheegtana Madaxweynaha Maamulkaasi ayaa ka hadlay dagaal shalay ka dhacay Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Seeraar ayaa isna iska hir-imaadkaas ku eedeeyey Madaxweynaha jubbaland, wuxuuna sheegay in la weeraray isaga iyo dad taageerayaashiisa ah oo si nabad ah u bannaan baxayay Xaafada Siinaay ee Magaaladda Kismaayo.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Jubbaland uu Caburin ka haayo Xubnaha Isbadal doonka Jubbaland ee ku sugan Magaaladda Kismaayo,haatana dulqaadkii ka dhamaaday sida uu hadalka u dhigay.

Dagaal kooban ee Shalay ka dhacay magaalada Kismaayo, ayaa u dhexeeyay ciidamada Jubbaland iyo ciidan taabacsan Cabdinaasir Seeraar Maax oo sheegtay madaxweyne Jubbaland, ka dib Codayntii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe lagu doortay Kismaayo August 2019.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidanka Jubbaland ay xireen wadooyinka magaaladda Kismaayo, balse ay tallaabadaasi u hoggaansami waayeen ciidamo taabacsan Cabdinaasir Seeraar.

Maamulka Jubbaland ayaa dhankiisa dagaalkii shalay ku eedeeyay Dowladda Faderaalka Soomaaliya.