Nabadoon Xaad oo weerar Afka ah ku qaaday Mucaaradka Dowladda Farmaajo

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kamid ah Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxaa uu weerar Afka ah ku qaaday Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Nabadoon Xaad oo wabaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dowladda farmaajo inta ay jirto dalka uu gaaray horumaro kala duwan oo ay ugu weynta dhanka amniga Caasimadda oo inta badan ay ka dhici jireen Qaraxyo iyo weeraro sababa Khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed oo badan.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah dowladda ayuu Nabadoon Xaad ku eedeeyay in dalka ay ka leeyihiin danno siyaasadeed, isagoona tilmaamay kuwa Mucaaradka ah in aysan ogoleyn dowladnimo iyo horumar ay gaarto dowlada Federaalka.

Isaga oo soo sii hadlaayay Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayuu si cad u sheegay in dowladda Federaalka guulo la taaban karo ay ka gaartay dhanka amniga Caasimadda, kadib markii ka guuleysatay Al-shabaabkii Qaraxyada iyo weeraro ka geysan jiray Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Nabadoonka ayaa sheegay in Madaxda dowladda ee Farmaajo iyo Kheyre ay mudan yihiin in la bogaadiyo, isla markaana lagu garab istaago shaqada adeg ay dalka iyo shacabka Soomaaliyeed u hayaan.

Ugu dambeyntii Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa waxaa uu tilmaamay in dalka uu u baahan yahay inuu uu helo Madaxweye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, wuxuuna shacabka ka  dalbaday inay u duceeyaan, maadama dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho ay gaarsiiyeen horumar dhan kasto ah.

Si kastaba hadalka Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa waxaa kusoo aadayaa, iyadoo bilihii la soo dhaafay uu Khilaaf siyaasadeed ka dhexeeyay Madaxda dowladda iyo Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh Axmed, hayeeshee ugu dambeyntii arrintaas xal buuxa laga gaaray.

W/Q Wariye Cabdiwaxiid Cabdullaahi.