Sarkaal halis ah oo ka tirsan Al-shabaab oo la qabtay xili uu…

Ciidamada kumaandooska ah ee Danab guutada 1-aad ayaa qaaddey weerar la sheegay in lagu soo qabtay xubbin sare oo ka tirsan Al-Shabaab agagaarka degmada Walanweyn ee gobolka Shabellaha Hoose.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka ay gacanta ku dhigeen Ibraahim Maxamed Rooble oo kamid ahaa saraakiisha Sar sare ee Ururka Al-Shabaab.

Dullaanka ayaa DFS iyo maamulgobeleedyada u ah guul weyn oo u soo hoyatay dhamaan xoogagga amniga Soomaaliyeed.

Ciidan lugta ee ka socda Guutada 1-aad ayaa magaadalada galay amin habeen ah. iyaga oo isticmaalaya hab isqarin ah oo ay ugu dhawaanayaan bartii loo socday, taasoo filanwaa kaga dhigtay Al-shabaabkii isku dayey inuu baxsado. In guul laga gaaro hawlgal habeen dhaca waa waxa ugu adag ee uu ciidan sameeyo meel walba oo aduunka.

Guushan laga soo hoyey hawlgalkan ayaa na tusanaysa sida ay kor ugu kacday awoodda Guutada 1-aad ee Danab maadaama ay gudanayaan hawlgallo aad u culus sida kan oo kale ah ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Qabashada Ibraahim Maxamed Rooble oo ahaa canshuur uruuriye iyo amniyaadka gobolka ayaa timid maalmo yar kadib markii ciidanka xoogga dalka gacanta ku dhigeen madaxa sirdoonka gobolka Xasan Suuley taasoo daba joogta markii ciidamada wadajira ee xoogga dalka Soomaaliyeed, AMISOM iyo UPDF ay xoreeyeen deegaanka Jannaale ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxey dowladda.