SAWIRRO: Khasaare ka dhashay Qaraxa lagu weeraray degmada Howlwadaag

Khasaare ballaaran ayaa ka dhashay Qarax xooggan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay oo lagu weeraray xarunta degmada Howlwadaag.

Gudoomiyaha degmada Howlwadaag oo la sheegay in uu ku sugnaa xarunta degmada Markii Qaraxa lagu weeraray ayaa badqaba, waxaana hadda uu ku jiraa dadka gurmadka u sameynaya dadka ay waxyeelado gaartay.