Shacabka Muqdisho oo ka cabanaya dhac ay u geeystaan askarta Dowladda

Waxaa Xafaadaha Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaalia maalmihii la soo dhaafay ku soo kordhay Dhaca iyo boobka ay gaysanayaan Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaalia waxaana isisoo taraya qayla dhaanta shacabka ka soo yeeraysa.

Xaafado dhowr ah oo dhaca woqooyiga Muqdisho ayaa waxaa xiliyada habiinkii ah qaatun laga taaganyahay dhaca ay gaysanayaan raga ku lebisan dariiska Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaalia waxaana Shacabku ay sheegeen in ay Dowladu ka gaabisay wax ka qabashada arintaa.

Arintaa ayaa soo shaac baxday ka dib markii boobka askarta Dowladu ay joogto ka noqdeen xaafadaha Magaalada Muqdisho waxaan Dowladda Shacabku ay ka dalbadeen in arintaa si deg deg ah wax looga qabto.