Somaliland oo soo saartay Amaro horleh oo ku aadan… + Akhriso

Maamulka Somaliland ayaa Maanta markale soo saaray Go’aano hor leh oo ay ku doonayaan inay uga hortegaan faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus oo ku faafaya dalal ku yaalla Afrika.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdullaahi oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay in Maanta laga bilaabo dadka kasoo degaya Garoonka diyaaradaha Cigaal Internationa laheyn doono muddo 14-maalmood ah.

Waxaa uu sheegay Wasiir Cumar Cali in laga bilaabo Maanta oo Arbaco ah la xiray dhamaan xuduudaha Somaliland, isla markaana aysan jirin wax isku gudbaya marka laga reebo Raashinka, Shidaalka iyo Dawooyinka.

“Laga bilaabo maanta rakaabka kasoo dege garoonka diyaaradaha Somaliland waxaana lahayn doona 14 cisho, Raashinka , shidaalka iyo dawooyinka mooye xuduudku waa xidhan yahay maanta laga bilaabo wax isku gudbayaana majiraan” ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka.

Si kastaba Maamulka Somaliland ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dadaadlo dhowr ah oo ay uga hortegayaan faafida Cudurka halista ee COVID-19 oo haatan saf-mar ku haaya dalal badan oo ku yaalla dunida.