Warar kala duwan oo ka soo baxaya Qarax ka dhacay Dhuus-mareeb

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Dhuusa-mareeb Ee Caasimada Maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaa uu ka dhacay Qarax xoogan waxaana Qaraxaa ka dhashay Khasaare kala duwan.

Qaraxaan ayaa waxa uu ahaa Miino waxa uuna ka dhacay agagaarka Maxkada Magaalada Dhuusa-mareeb waxaana Khasaaruhu gaaraya Dhaawaca Sedax ruux wax dhimasha lama sheegin.

Qaraxaan ayaa waxa uu imaanayaa iyada oo laysku hayo awooda Magaalada Dhuusa-mareeb maadaama halkaa ay kuwada shqeeyaan labo Madaxweyne oo kala ah Axmed Abdi Kaariye Qoor-qoor. iyo Shiekh Shaakir Ali Xasan.