Xaalad cakiran oo ka dhex taagan wasiirka ganacsiga iyo xafiiska Kheyre

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Somalia C/llaahi Cali Xasan ayaa soo food saartay xaalad ka dhalatay xil ka qaadistii uu ku sameeyay guddoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir Axmed C/llaahi Xasan iyo kuxigeenadiisa.

Arrintaan ayaa dabada la gashay guddoomiyaha rugta ganacsiga Somalia /Maxamuud C/kariin Gabeyre oo beel ahaan wasiirka ganacsiga is-xigaan.

Wasiirka Ganacsiga ayaa culeys ugu yimid xafiiska ra’iisul wasaaraha waxaa lagu amray in uu kala diro rugta ganacsiga guud ee Somalia, taasoo uu wasiirka ku qanci waayay.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa ku doodaya labo qodob oo mid xasaasi ah, waa tan koowaad in Maxamuud C/kariin uu ah ka ogaa magacaabista Al-Shabaab ay usoo magacowday guddoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir iyo arrinta kale oo ah in xilka uu haayo Gabeyre uu dhaawacaayo nidaamka awood qeybsiga ee nidaamka 4.5 maadaama wasiirka ganacsiga iyo Mr. Gabeyre ay beel qura kasoo wada jeedaaa.