XOG:Dowladda oo awood u adeegsaneysa Odayaasha soo xulaya Baarlamaanka Galmudug

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Shabakadda mareeg ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ay awood u adeegsaneyso Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug.

Dowladda ayaa waxaa la sheegay in Odayaasha dhaqanka Galmudug ay ku cadaadineyso inay soo xulaan Xildhibaano ay dowladda rabto, isla markaana ay dooneyso inay Galmudug ku yeelato 89-ka Xildhibaan 60 Mudane oo kamid ah daacadna u ah.

Sidoo kale Odayaasha Galmudug ayaa waxaa la tilmaamay in hadii ay fulin wayaan wax kasto oo ay dowladda rabo in meesha laga saari doono, isla markaana Oadayaal kale lagu soo bedeli doono.

Ilo-wareedyo ayaa mareeg u sheegay in dowladda ay ku amartay Odayaasha in si deg deg ah ay u soo xulaan 60-ka Xildhibaan ee dowladda, waxaana arrintaas ay u muuqatan mid dowlada ay ku afduubaneyso Doorashada Galmudug, iyadoo Musharaxiinta Galmudug horey u sheegeen in dowlada Federaalka ay awood sheeganeyso.

Dhinaca kale Weli waxaa caqabado ay horyaallaan Xuslita Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Galmudug oo wajiyo dhowr ah soo marey, waxaana ilaa iyo hadda aan si rasmi ah loo soo xulin Baarlamaanka Cusub ee Galmudug marka laga reebo Xildhibaannada la siiyay Ahlusunna.

60-ka Xildhibaan ee dowladda ayaa waxaa ku dooneyaa in Codadka ugu shuban Musharaxa ay wadato si uu uga guuleysto Musharaxiinta kale ee kula tartamaya xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug.

Dowladda Federaalka ayaa ku fashilmi doonta sida ay hada wax u wado, isla markaana ay ku dooneyso in Galmudug Cusub oo loo dhan yahay ku dhisto, waxaana la wada sugayaa sida ay wax u dhacaan.

Doorashada Madaxweynaha Cusub ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa lagu wadaa inay dhacdo 9-ka Bisha koowaad ee sanadka Cusub ee 2020-ka, balse Doorashada ayaa u muuqan mid ku dhici karta waqtigii loogu talagalay.